Dad careysan oo banaanbax ka dhigay Magaalada Burco

0
104

Bulshada ku nool Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa waxaa ay Maanta dhigeen banaanbax ay uga cabanayaan xariga Jaamac Maxamuud Adan (Gen: Dollaal).

Janeraalka ayaa shalay Maxkamadda Millateriga Soomaliland waxa ay ku rday xukun laba sano ah kadib markii lagu eedeeyay in uu ku kacay khiyaano qaran iyo Kacdoon ciidan, sidoo kalena uu xiriir wicitaan la sameeyay qof ku sugan muqdisho.

Dadweynaha oo watay boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay kamid yihiin (JANERAAL DOOLAAL CADAALAD HA HELO) iyo Erayo kale, iyaga oo dalbanayay in si deg deg ah loo siidaayo.

Xukunka ay maxkamada millaterigu ku riday Gen: Dollaal ayaa markii uu dhacay waxaa carro xooga ka muujiyay qaar kamid ah Bulshada Magaalada Burco, kuwaas oo sheegay inay banaanbaxa wadi doonan ilaa uu Cadaalad ka helo.