Maamulka Galmudug oo shir ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

0
79
Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa shir Gudomiyay shirkii Amniga Galmudug oo todobaadkii mar lagu qabto Dhuusamareeb.
Shirkan oo ay ka  qayb galeen Taliyeyaasha Ciidamada Milatariga,Nabadsugida,Booliska iyo Amisom ayaa diirada lagu saaray adkeynta Amniga guud ee degaannada dowlad Goboleedka Galmudug.
Inta u shirkaan socday Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug waxaa uu saraakiisha Ciidamada Galmudug faray in ay laba jibaaran Howlgalada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.
Sidoo kale waxa u madaxweyne kuxigeenka  Galmudug lamaha Amniga faray in sare lo qaado Amniga Magaaloyinka Galmudug xili lagu jiro Bisha Barakaysan ee Ramadan.