Wasiir uu shalay Magacaabay Ra iisulwasaare Rooble oo is casilay

0
176

Wasiirkii Duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Oomaar oo iska diidday Wasaaradda loo wareejiyey ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

,”Anigoo Jecel inaan u shaqeeyo waddankayga hooyo, suuragal iima aha xilligan inaan qabto shaqada muhimka ah ee la ii magacaabay. Sidaa aawgeed waxaan Ka cudur daaranayaa qabashada xilkaa muhiimka ah. Duruufo qoys iyo kuwo shakhsiyadeed ayaan ii saamaxaynin inaan hawshaa galiyo tamarta, wakhtiga iyo firfircoonida ay u baahan tahay masuuliyaddan baaxadda weyn.

Waxan uga mahadnaqayaa madaxweyne Farmaajo iyo raiisal wasaaraha fursadda qaaliga ah ee ay ii siiyeen inaan u adeego inta tabartayda ah waddanka iyo shacabka Somaliyeed.

Muddadii aan xilka u hayay ummadda Soomaaliyeed waxaa suura gal ah in uu khalad iga dhacay, ma khaldame waa Ilaah. Waxaan ummadda Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay iga cafiyaan khaladaadka laga yaaba inuu iga dhacay.

NB: Go’aankani ma aha mid siyaasadeed ee waa mid shakhsi. waxaan mar walba ahay garabka Madaxweyne Farmaajo (N&N)”. Oomaar.