Guddiga Qaban-Qaabada Shirka Madaxda DF Iyo M/Goboleedyada Oo Kulan Yeeshay

0
85

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa soo gaaray Guddi wakiilo ah oo ka kala socda dowlad Goboleedyada dalka, kuwaasi oo isla Maanta oo Axad ah Shir uu uga furmay Caasimadda dalka.

Guddigaan ayaa Shir gaar ah ka yeeshan qaban-qaabada Shirka Wadatashiga Qaran ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu isugu yeeray Madaxda maamul Goboleedyada ee la filayo in 20-ka bishaan ka furmo Muqdisho.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa waxaa uu ku sheegay inay bilaabatay qaban-qaabada Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul iyo Gobolka Banaadir.

“Gudiga qaban qaabada ee ka socda maamul Goboleedyada ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdsiho, waxaana kulankan ay yeesheen soo qaban qaabiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha”ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Madaxda maamulada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay soo gaaran Magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan Shirka looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Dhammaan Madaxda ayaa aqbalay ka qeyb galka Shirka uu isugu yeeray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, kadib markii maamulka Doorashada iyo amniga uu kala wareegay Madaxweyne Farmaajo.