Kulamo looga hadlayo qaadista ciidamada Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka dhacay.

0
68

Magaalada Muqdisho waxaa xalay fiidkii ka bilawday kulamo xooggooda looga hadlay sidii Caasimadda looga qaadi karo Ciidanka isku hor fadhiga Degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Askarta Militariga ah ee kahor yimid muddo kordhintii Golaha Shacabka 12-kii April 2021 balse uu dib uga laabtay 1-dii May.

Kulamadaan waxaa ka qaybgalay Saraakiil, Xildhibaanno, Odoyaal dhaqameed & Siyaasiyiin kala duwan waxaana ay isku weydiiyeen qorshaha ciidan ka qaadista Muqdisho maadaama dalka uu galayo marxalad doorasho awooddana uu la wareegay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya.

Ciidankaan xooggooda waxa ay Caasimadda kasoo galeen Gobollada Shabeelaha Dhexe oo ah DG Hir-Shabeelle & Shabeelaha Hoose oo DG Koofur Galbeed ah hoostaga waxaana ay kasoo baxeen saldhigyo ay ku lahaayeen.

Dhinacyada fadhiga yeeshay weli iskuma raacin go’aan rasmi ah & waqtiga la qaadayo ciidankaan maadaama ay jiraan shuruudo kala duwan oo dhanka Saraakiisha Militariga ka yimid oo haddii la fuliyo ay dib ugu laabanayaan xeryaha ay ka baxsan Caasimadda oo ay kasoo galeen.

Tallaabadaan waxaa sii xoojiyay qaar kamid ah daneeyaasha arrimaha Soomaaliya sida Danjiraha midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga oo Isniintii si cad u dalbaday in Magaalada Muqdisho dib looga qaado ciidanka Militariga ah ee saldhigtay degmooyinka qaar.

Maanta ayay markale ballameen in ay kulmaan dhinacyadaan si ay xal u raadinayaan maadaama uu dhacay isbadal siyaasadeed oo ka duwan xaaladdii sababtay in ay Muqdisho soo galaan, waxaana dhankooda dhaq-dhaqaaq wado guddi Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya uu u magacaabay dib u celinta Militariga ku sugan Gobolka Banaadir si dib loogu celiyo xeryahooda sida warbaahinta ay u xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Ciidankaan xooggiisa waxa uu Muqdisho soo galay 25-kii April 2021, difaacyo waxa ay ka sameysteen degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid, Shibis, Howlwadaag & Hodan waxaana ay dhigteen gaadiidka dagaalka ah ay wataan, balse Isu dayo uu sameeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa todobaadkii hore guuldareystay.