Madaxweynaha Koonfur Gadlbee Oo Tababar U Soo Xiray Ciidamo Cusub.

0
91

Madaxweynaha Dowlada Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen ayaa maanta ka qeyb galay tababar loo soo xirey cutubkii afaraad ee ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed, iyadoo ay tababarka bixinayeen saraakiisha AMISOM gaar ahaan qeybta Saddexaad (Secter Three).

Ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa munaasabadda ku soo bandhigay xirfado kala duwan oo ay ku qaateen tababarka, waxayna ciidankan qeyb ka noqon doonaan xoojinta amniga deegaanada Koonfur galbeed.

Sidoo kale Madaxweyyne Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa ciidamada tababarka qaatay ugu hambalyeeyay nasiibka ay u yeesheen in ay ka mid noqdaan ciidamada amniga Maamulka Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlada Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen ayaa u mahad celiyay Saraakiisha AMISOM ee tababarka siinayay Ciidamada cusub.