Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta Oo U Ambabaxay Dalka Sacuudiga.

0
82

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaweyd ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyagooo kusii jeeda Magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Ujeedka socdaalka Rooble ayaa waxaa uu yahay gudashada waajibaadka Cimrada, waxaana diyaarad qaas ah Boqortooyada Sacuudiga u soo dirtay Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ka qaaday Muqdisho.

Sida uu qorshahu yahay Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu u tegi doonaa labada Xaram ee  Shariifaynka ee Maka Al-mukarama iyo Madiintul-Munawara, si uu ugu soo cibaadaysto maalmaha u dambeeya ee bishan barakaysan ee Ramadaan.

Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ayaa waxaa uu kulamo kala duwan oo ah kuwo Diplomaasiyadeed uu la yeelan doonaa qaar kamid ah Madaxda Sacuudiga.

Safarka Rooble ayaa noqon doona kii saddexaad ee uu Dibedda ugu ambabaxayo tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda bishii September 17-dii ee sanadkii hore ee 2020-ka.