Rooble oo u ambabaxay wadanka Boqortooyda Sacudi Carabiya

0
84

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa g ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyagooo kusii jeeda Magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Ujeedka socdaalka Rooble ayaa waxaa uu yahay gudashada waajibaadka Cimrada, waxaana diyaarad qaas ah Boqortooyada Sacuudiga u soo dirtay Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ka qaaday Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu u tegi doonaa labada Xaram ee Shariifaynka ee Maka Al-mukarama iyo Madiintul-Munawara, si uu ugu soo cibaadaysto maalmaha u dambeeya ee bishan barakaysan ee Ramadaan.