Dowladda Somaliya Oo War Kasoo Saartay Duulimaadyada Ka Imaanaya Kenya

0
87

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Duraan Axmed Faarax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in farsamo ahaan loo furey hawada Soomaaliya duulimaadda ka imanaya Kenya.

Wasiirka ayaa intaa ku darey in iyagu ay ku eg yihiin awood ahaan dhanka farsamada, halka jaangoynta siyaasadda ay dowladda u qaabilsan tahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Maanta oo Axad ah ayaa waxaa dib u bilowday duulimaadyadii tooska ahaa ee labada waddan ee Kenya iyo Soomaaliya, kadib markii dawladda Kenya ay qaaday xayiraadii ay ku soo rogtay bishii May.

Xiligaa wixii ka danbeeyey duulimaadyada ka imanayey Soomaaliya ama ka tagayey Kenya waxaa lasoo darsey caqabad weyn, dadweyne siyaabo kala duwan u socdaali jirey ayaaney u suuroobin safaradoodii.

Xiriirka labada dal ayaa sii xumaanayey dhawrkii sano ee uggu dambeeyay, iyadoo labada dhinac midba midka kale uu ku eedeynayey mas’uuliyadda dhibaatada ka dhex aloosan.