Cidamada AMISOM oo si is kood ah isaga baxay deegaanka Marin Gubaay

0
91

Ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM ayaa sheegay in ciidamadooda ka socda Uganda ay isaga baxeen saldhigga deegaanka Marin Gubaay ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxay sheegtay in sababta ay uga baxeen ay tahay aag beddelasho ciidan.

Al-Shabaab ayaa goor sii horreysay sheegtay iney la wareegeen saldhiggan.

Saldhigan ayaan u jira 40km magaalada Baraawe, oo katirsa gobolka Shabeelada Hoose.