Madaxweynaha Somaliya oo ka baaqday safar uu ku tegi lahaa Antalya iyo Xog laga helay Sababta

0
114

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia Madaxweynaha Somalia Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa ka baaqday shirka Antalya Diblomacy Forum oo berri ka furmaya magaalada Antalya ee dalka Turkiga.

Farmaajo oo ka mid ah madax ka tirsan caalamka oo lagu martiqaaday shirkaas ayaa la filayay inuu la kulmo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo isna shirka lagu casuumay.

Baaqashada Madaxweyne Farmaajo ee shirkaas oo aan faahfaahin laga bixin ayaa loo malaynayaa iney sabab u yihiin arrimo ay ka mid yihiin xaalada siyaasadeed ee dalka, arrimaha doorashooyinka iyo fadeexada ka taagan Ciidamada tababarka loogu diray Eritrea  oo dowladu la’adahay meel ay uga baxsato.