Malaayiin qof oo maanta u dareeray doorashada Guud ee ka bilaabatay Itoobiya (DAAWO) (Sawirro)

0
96

37 Milyan oo cod-bixiyeyaal ah ayaa maanta oo Isniin ah ka codeeynaya goobaha codbixinta ee guud ahaan Ethiopia, waana doorasho muhiim u ah dalkan labaad ee ugu dadka badan qaaradda Africa.

Xisbiga talada haya ee Prosperity oo uu hogaamiyo raiisul-wasaare Abiy Axmed ayaa soo sharraxay musharaxiinta ugu badan, iyadoo la filayo in uu ku guuleysto kuraasta ugu badan ee baarlamaanka.

Ra’iisul-wasaaraha 44-jirka ah, oo 2019-kii Abaalmarinta Nabadda ee Nobel ku helay hirgelinta dib-u-habeyn dhanka dimuqraadiyadda iyo dhaqaalaha dalkaasi ah iyo heshiis nabadeed oo uu la galay dalka deriska ah ee Eritrea, ayaa sheegay in codbixintu ay tahay isku-daygii ugu horreeyay ee doorasho xor ah xalaalna ah, oo ka dhacda Ethiopia.

Laakiin doorashada ayaa waxaa hareeyay qaadacaadda qaar ka mid ah xisbiyada ugu weyn mucaaradka oo ku eedeynaya xisbiga talada haya dhibaateyn, cabsi-gelin iyo sidoo kale dagaalka wali ka socda gobolka waqooyi ee Tigray, halkaasi oo tan iyo bishii November ee sanadkii hore ay ciidamada dowladdu kula dagaalamayaan xoogag daacada u ah xisbigii gobolkaasi xukumi jiray ee TPLF.

Gobolka Tigray oo baarlamaanka ku leh 38 kursi ayaan wali la shaacin waqtiga ay doorashadu ka dhici doonto. Wareeg kale oo doorasho ah ayaa Ethiopia ka dhici doona bisha September.