Raisul Wasaare Rooble oo Magacaabay guddiga amniga doorashooyinka Qaranka.

0
98

Raisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddiga amniga doorashooyinka dalka

Xubnaha guddiga ayaa waxay iskugu jiraan Taliyeyaasha Booliska Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Booliska AMISOM.

Dhammaan saraakiishan ayaa hoos tagaya kuna shaqeyn doona amarka Ra’iisul Wasaaraha Somalia.Learn more

Raisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay magacaabay dhamaan guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed, iyo weliba guddiga xalinta khilaafaadka.