{DAAWO SAWIRADA} FESOJ oo Tababar uso Gabagabeysay Qaar kamid ah Wariyayaasha Kismaayo.

0
121

Maanta Isutagga Saxfiyiinta Soomaliyeed (FESOJ) waxaa uu magaalada Kismaayo tababar laba maalin ah ugu soo xiray 33 wariye iyo 3 ka mid ah saraakiisa booliiska ee Jubbaland.

 

 

Tababarka oo ku saabsanaa Xorriyatul qowlka, bedqabka saxafiga iyo nidaamka guud, waxa uu ahaa cashar bixin falanqayn iyo doodo dhexmaray Wariyayaasha iyo saraakiisha booliska.

 

 

Cashar bixiyayaasha oo kala ahaa Xoghaye Faarax Cumar iyo Gudoomiye Muxidiin Xusni waxaa ay ka qaybgalayaasha u tusaaleeyeen xuquuqda xorriyadda hadalka iyo sida Saxafiyiinta xuquuqdooda loogu dammaanad qaaday Qodobka 19aad ee Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha iyo Qodobka 19aad ee Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasadda ee dawladuhu saxiixeen.

 

 

Sidoo kale falanqaynta iyo dooda wariyayaasha iyo Saraakiisha booliska waxay ku saabsaneed Nidaamka Badbaadada Hawlgalka marka lala macaamilayo saxafiyiinta iyo xorriyadda hadalka iyo waliba sida wax ku oolka ah ee ay Ciidanka amnigu u xaqiijin karaan in saxafiyiinta ay heli karaan macluumaadka ay u baahan yihiin si ay ugu gudbiyaan bulshada.

 

 

Saraakiisha booliska ayaa u muujiyay waryiyaasha inay u wada shaqaynayaan bulshada Soomaliyeed, waxay dhagaysteen caqabadaha ay sheegteen Wariyayaasha ee ay kala kulmaan booliska xiliyada doorashooyinka, banaanbaxyada munaasabadaha ee ay macluumaad doonka ay yihiin.

 

Waxay saraakiisha balan qaadeen inay xalinayaan wixii dhankooda ah, xiriirka warbaahinta iyo booliskana uu hagaagi doono.

 

Sidoo kale warfidiyeenka ayaa ayguna muujiyay in tababarka labada dhinacba ay dawo ugu heleen caqabadihii kala haystay, wadada xiriirka cusubna uu keeni karo in si dhab ah loo saxo isfahwaaga dhexmari jirey.

 

Gabagada tababarka FESOJ waxay wariyaasha ugu qaybiysay Buug yare lagu magacaabay Wariye ogow Xuquuqda aad leedahay, oo ku saabsan xuquuqda shaqaalaha suxufiyiinta looguna talagalay inuu horumariyo awooda wacyiga iyo fahamka Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

 

FESOJ iyo VIKES oo tababarkan iska kaashaday, wasaarada arimaha dibada Finland-na ay maalgalisay, waxaa uu ka mid ahaa kuwa hore xarumaha dawlad goboleedyada loogu qabtay kuwa kalena logu qaban doono bilaha soo socda haddii Alle idmo.