Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo soo bandhigtay hub ay ka furatay Shabaab

0
116

Saraakiisha XDS iyo kuwa Daraawiishta ee hogaaminaysay weerarkii saakay lagu qaaday goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab sheegay in la wareegeen goobihii saakay ay duqeeyeen diyaaraddaha Mareykanka.

Goobta dagaalku uu ka dhacay oo gantaallo dhowr ah ay ku dhufteen diyaaradaha maraykanka ayaa saraakiishu waxay ku soo warramayaan in ay ugu yaraan 60 ka mid ah Shabaab ay ku dhinteen weerarkii iyo duqayntii wada socday, ayadoo baaqigii ka haray kooxdaas ay u firxadeen baadiyaha ku dhow deegaanadaas halkaasoo ciidamada huwanta ah iyo dadka deegaanku ay ku raadjoogaan isla markaana ay ugaarsanaayaan.

Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale soo bandhigay hub ay sheegeen in ay furteen Al-Shabab.

Waxaa kaloo sheegeen in hubka laga soo helay meelaha baadiyaha ah maadaama ay ka carareen Shabaab.