{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo siweyn Logu so dhaweyay Garowe

0
111
Wafti Wasiiro ah uu u hogaaminaayo Wasiirka Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Duraan Farax ayaa maanta siweyn Logu so dhaweyay Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.
Wasiirka Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Soomaaliya iyo Waftigii la socday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Garowe ku so dhaweyay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland Cuqaal waxgarad dhalinyaro iyo Haween.
soo dhaweyn kadib wasiirka iyo Xubnihii la socday ayaa waxaa loso gudbiyay qeybta nasashada Garoonka diyaaradaha Garowe halkaas oo ay kula hadleen qeybahii kala duwanaa ee so dhaweeyay.
Wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka Bada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Bidhaan warsame oo kamid ahaa Wafdiga wasiirka Gaadiidka ayaa u mahadceliyay dadkii ku so dhaweyay Garoonka diyaaraha Gen:Maxamed Abshir ee Magaalada Garowe.
Ujeedka Socdaalka Wasiir Duraan Farax iyo wafdiga la socdo ayaa ahaa ka qeybgalka  munaasabadda xuska 1-da August oo ku beegan 23 sano-guuradii kasoo wareegtay aasaaskii Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.