Dadkii ugu badnaa oo ka barakacay dagaalka Soomaalida & Canfarta

0
132

In ka badan lix boqol (600) oo shacab ah oo ka soo barakacay magaalada Garbo-ciise ayaa si ku-meel-gaar ah ugu sugan gudaha dugsiga hoose-dhexe ee magaalada Mulli ee xarunta degmada Ma’ayso ee dowlad degaanka Soomaalida.

Dadkaasi ayaa barakacooda waxaa uu ku saleeysan yahay  kaddib markii ciidanka gaarka ah iyo maleeshiyaadka Deegaanka Canfartu ku soo qaadeen weerarro kala duwan, islamarkaana ku xasuuqeen shacabkii magaalada Garbo-ciise ee galbeedka Siti.

Wasiirro iyo wasiirro-ku-xigeenno ka tirsan dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa kormeer ugu tegay dadkaasi kasoo barakacay Colaada, si ay ugu kuurgalaan xaaladooda maadaama degaankoodii ay kasoo carareen.

Masuuliyiinta ayaa shacabka uga tacsiyeeyay muwaaddiniintii nabadda ku deggenaa ee aan waxba galabsan, islamarkaana ku dhintay dagaalii dhacay , waxayna  masuuliyiinta sheegeen inay  shacabka la qeybsanayaan murugada iyo dhibaatada kasoo gartay dagaalada.

Sidoo kale masuuliyintii oo la hadlay shacabka barakaca ah ayaa u ballan-qaaday in ay goobtani  tahay mid si-ku-meel-gaar ah u deggan yihiin, balsae  lagu hawllan yahay sidii magaalada Garbo-ciise dib loogu celin lahaa, muddo yar gudaheedana ay ku noqon doonaan noloshoodii caadiga ahayd.

Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen in ay xukuumadda Deegaanka Soomaalida ka go’an tahay sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka iyo jiritaanka shacabka galbeedka Siti. waxa ayna intaasi ku dareen in  xukuumadda Deegaanka Soomaalida iyo shacabka Soomaaliyeed ee deegaankuba diyaar u yihiin garab-istaagga shacabka galbeedka gobolka Siti.