DEG DEG: Dagaal culus oo ka socda degaanka Ceelbacad ee duleedka Buloburte.

0
127

Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada milatariga Soomaaliya iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa aroornimadii hore ee saakay ka dhacay deegaanka Ceelbacad oo ku yaala duleedka degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan.

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo howlgal ka waday inta u dhaxeysa degmooyinka Buuloburte iyo Jalalaqsi ayaa la sheegay in dagaal kala kulmeen dagaalyahano katirsan Al- Shabaab .

Wararka aynu haleyno ayaa sheegaya in dagaalka uu wali socda isla markaana la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan, waxana uu dagalku yimid kadib markii ciidamada dowlada ay weerar ku qaaden fariisin al shabaab ay ku lahaayen degaanka.

Degaanka Ceelbacad u ka socda dagaalka ayaa dhowr jeer oo hore waxa ugu dagaalamay ciidmaada dowlada oo garab ka helaya Macaawisley iyo A.shabaab, waxana gacan ku haynta degaanka u muhiim u yahay wadada xiriirisa degmooyinka Bullobarde iyo Jalalaqsi e gobalka Hiiraan.