Dwlada mareykanka oo kahadashay duqeyn ka dhacday gobolka Mudug

0
50

Mareykanka ayaa markii ugu horreysay muddo lix bilood ah weerar duqeyn ah ka geystay Soomaaliya, taas oo uu ku bartilmaameedsaday kooxda Al-shabaab, waxaana duqeyntay ay aheyd mid uu ku caawiyay ciidamada kumaandoosta Soomaaliya oo weerarro kala kulmayay argagixisada Al-shabaab.

Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa galinkii dambe ee Talaadadii xaqiijisay inay ka dambeeyeen hal weerar oo ka dhacay meel u dhow magaalada Gaalkacyo, oo qiyaastii 580 Kilo Mitir dhanka waqooyi ka xigta magaalada Caasimadda ee Muqdisho, waxaana duqeybtan markii hore xaqiijiiyay saraakiisha Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaashandhigga Mareykanka ayaa idaacadda VOA u sheegay in duqeyntaas fulinteeda loo cuskaday shirciyo hore u jiray, si loo difaaco xoogagga Mareykanka xulifada la ah, waxaana la fuliyay duqeyntaas iyada oo aysan jirin ciidan Mareykan ah oo ku sugan dhulka.

“Ciidamada Mareykanku waxay hayeen howlgal talo bixin iyo caawimaad ah, kuwaas oo lagu taageerayay ciidanka Soomaaliya” ayuu yiri afhayeenka waaxda Gaashaandhigga Mareykankanka Cindi King oo intaas raaciyay “Ma jirin ciidamo Mareykan ah oo la socday ciidamada Soomaaliya intii uu socday howlgalkan”