FAAH FAAHIN: Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo Shabaab oo ka dhacay G.Hiiraan

0
97

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay degaan lagu magacaabo Gaal-fuul oo hoosyimaado deegaanka Coowmaad oo dhaca bariga degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid saacada uun kadib markii kolonya uu la socday gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo taliyaha guutada shanaad oo safar aan la shaacin halka uu ku wajahnaa ay kaga baxeen Baledweyne ay al shabaa qarax kula beegsadeen inta u dhaxeysa degaanada Beergadid iyo Cowmaad waxana qaraxaasi ka dhashay qasaare isugu jira dhimasha iyo dhaawac.

Afayeenka maamulka goolka Hiiraan Cabdi Muumin Cilmi Xiish oo la hadlay idaacada Hiiraanweyn ayaa sheegay in ciidamada dowlada laga dilay labo askari kuwaas oo u sheegay in qaraxa ay ku dhinteen balse aysan jirin wax qasaara ah oo ciidamada kasoo gaaray dagaalkii ay la galeen al.shabaab.

Afayeenka ayaa sheegay in al.shabaab ay ka dileen ku dhawaad toban askari tiro intaas ka badana ay ka dhaawaceen isla markaana ay sii wadi doonaan dhaq dhaqaaqyada ka dhanka al.shabaa.

Dhinaca kale taliyaha guutada Shanaad Qeeybta 27aad Col, Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) oo la hadlay Hiiraanweyn ayaa sheegay in ciidamada dowlada wax ka qasaara ah kasoo gaarin dagaalka, waxana uu beeniyay hadalka uu shaaciyay maamulka gobalka Hiiraan ee ah dhimshada labada askari iyo dhaawaca askar kale.

Marka laga yimaado warka kasoo baxay maamulka gobalka Hiiraan iyo taliska guutada shanaad ee qeybta 27aad ee la xariira dagaalkii maanta dhex maray ciidamada dowlada iyo Al.shabaab, waxa jira warar ka madax banaan oo shegaya in khasaaraha ka dhsahay dagaalka uu intaasi ka badan yahay.