Gudoomiyaha hore ee gobolka Gedo oo loo diiday in uu Muqdisho ka dhoofo iyo amarkii Rooble oo jabay

0
115

Gudoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Haaji Macaliow ayaa Saaka mar kale loo diiday in uu ka dhoofo garoonka diyaaraddaha ee magaalada Muqdisho xilli uu kusii jeeday degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Waxaa uu sheegay in ay tahay markii Afraad ee loo diido garoonka, islamarkaana falkaasi ay ka dambeeyaan Farmaajo iyo taliye ku xigeenka hay’adda nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Kulane

Saakay waxaan aaday garoonka diyaaradaha anigoo u socda Garbahaarey, anoo dareemaya in la isoo celin doono, laakiin amarkii Ra’iisul Wasaaraha markuu baxay waxaa go’aan qaatay in aan qof la soo celin doonin, nasiib darro aniga iyo inta ila socotay waxaa nala yiri diyaarada ma raaci kartaan qolada diyaaradda ayaa lala soo hadlay, ninka amarkaas soo bixiyay waa C/llaahi Kulane, waxaan ku qanci karnaa Ra’iisul Wasaaraha inuu Kulane Jiis awoodda uu ku faanayo inuu ka qaado”ayuu yiri Macalimow.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo ee ka socday maamul goboleedyada dalka, wuxuuna ka dhagaystay warbixin ku saabsan wixii usoo qabsoomay muddadii ay joogeen magaalada Garbahaarey ee caasimadda gobolka Gedo

Ra’siisul wasaare Rooble oo kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyay Guddiga oo uu amaanay wixii usoo qabsoomay, isaga oo sheegay in soo jeedinta ay usoo gudbiyeen uu la wadaagi doona madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Rooble ayaa ka hadlay warar soo baxayay oo sheegayay in ay jiraan siyaasiyiin iyo shakhsiyaad loo diiday in ay u dhoofaan gobolka Gedo, isaga oo ku amray hay’adda Nabad-sugidda ee NISA iyo ciidamada boolisku in aysan qofna ka celin karin halka ay u dhoofayaan.