Israa’iil oo dooneysa in ay ku soo biirto Midowga Afrika

0
139

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Israa’iil ay dooneyso in ay ku biirto Midowga Afrika iyadoo noqonaysa waddan kor jooge ah.

Tallaabadan ayaa sida uu qoray wargeys kasoo baxa Israa’iil waxay timid ku dhawaad 20 sano kaddib markii Israa’iil ay waysay xubinnimada ururkan wixii ka dambeeyay markii laga beddalay magaca ee la sameeyay Midowga Afrika.

Waxaa lagu soo warramay in safiirka u jooga Israa’iil magaalada Addis Ababa uu warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mousa Faki Mahamat, si uu xubin kormeere ah uga noqdo ururka. Kulankaas ayaa ka dhacay xarunta AU ee caasimadda dalka Itoobiya.

Warbaahinta Israa’iil ayaa soo xigatay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Yair Lapid oo sheegay, “Maanta waxay dabbaal-dag u tahay xiriirka Israa’iil iyo Afrika.”

Israa’iil ayaa isku dayaysa in ay adkayso cilaaqaadka kala dhaxeeya 55-ta waddan ee xubnaha ka ah Midowga Afrika, sida ay tabiyeen warbaahinta Israa’iil.

Xigasho BBC