Ra’iisul Wasaare Rooble & Guddiga xaqiijinta Qoondada Haweenka oo shir yeeshay

0
102

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo Magalada London uga qeyb galaya Shirka horumarinta Waxbarashada ataa habka fogaan aragga kula Shiray Guddiga Xaqiijinta Qoondada haweenka ee Goleyaasha BFS.

Xubnaha Guddiga oo ay horkaceyso Guddoomiyaha Guddiga Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa ay u gudbiyeen warbixin ku saabsan waxyaabaha u qabsoomay tan io markii uu Magacaabay

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddiga ku bogaadiyay howsha loo igmaday, kulana dardaarmay inay si dhaw ula shaqeeyaan Guddiyada doorashada, Madaxda dowlad-goboleedyada & bulshada rayidka ah.

Guddiga Xaqiijinta Qoondada haweenka Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa horay walaac uga muujisay in dowlad Goboleedyada ay xaqiijin waayaan Qoondad Haweenka ee Golaha Shacabka.