SAWIRRO: Madaxweynaha maamulka Hirshabelle oo gaaray degmada Cadale

0
52
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Cadale ee gobalka Shabeelaha Dhaxe, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweyay.
Wafdiga madaxweynaha oo isugu jiray wasiiro xildhibaano heer federaal, xubno labada gole ee Dowlada Hirshabeelle, siyaasiyiin, maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, saraakiil iyo marti sharafta kale waxaa si wayn u soo dhoweeyay bulshada iyo maamulka Degamada Cadale.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa inta uu joogo degmada Cadale ee gobalka Shabeelaha Dhexe waxa uu kalamo kala duwan la qaadan doona qeybaha bulshada Degmada Cadale iyo maamulka oo uu kala hadli xaalada deganka.