WAR DEG DEG Ah;. Amaro Culus oo la dul dhigay Shacabka Magaalada Baladweyne.

0
139

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Amaro Cusub dul dhigay shacabka ku Nool Magaalada Baladweyne Gaar ahaan Gaadiidleeyda iyo Ganacsatada Magaalada. Warqad kasoo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa Lagu mamnuucay Hubka lagu dhax wato Magaalada Marka Laga reebo Hubka Ciidamada waxaana qofkii lagu qabta la horgeeyn doona Maxkamada Ciidamada qalabka Sida.

Sidoo kale Maamulka ayaa Mamnuucay Gaadiidka la dhiganayo Hareeraha wadada Laamiga iyo gaadiidka Leh Miraayadaha Madoow sida lagu sheegay warqada kasoo baxday Maamulka waxaa ay la kulmi doonan Ganaax iyo Xabsi.

Ganacsatada ayey Raashinka ayaa loogu baaqay in gaadiidka waa weyn Subaxii ilaa galabtii aanan Raashin lagu dajin karin wadada, waxaana Amaradan ay dhaqan galayaan Manta ii ah 19-7-2021.

Taliska Booliska Hirshabeelle ayaa soo dhaweeyey Go’aanadan kasoo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan, waxaana Bulshada ugu baaqeen in ay qaatan Amarada kasoo baxay Maamulka.