Xaalada degaana ay ku daglamen ciidamada dowlada iyo shabaab oo manata degan

0
117

Waxaa Manta Degan Xaalada deegaanka Gaal-fuul uu hoos yimaado degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan halkaasi uu shalay ka dhacay Dagaal Xoogan oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhawac ah isla-markaana  udhaxeeyo Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Al.shabaab.

Warar Lagu kalsoon yahay oo ay heshay Idaacada Hiiraanweyn ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen ku dhawaad 10 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah. dhawacana uu intaas ka badan yahay sida ay Hiiraanweyn usheegen ilo kala duwan.

Dagaalka sababay dhimashada badan ayaa ka dhacay deegaanka Gaal-fuul oo udhow deegaanka Coomaad halkaasi oo ay ku sugnaayeen Xubno Al.shabaab ah oo ay weerar ku qaadeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Guutada 5aad. dadka deegaanka oo la hadlay Hiiraanweyn ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid xoogan oo socday waqti badan.

Waxaa socda manta dhaq dhaqaaqyo kala duwan oo ay wadaan Ciidamada Dowlada Soomaliya iyo Al.shabaab sida ay dadka Deegaanka Radiyow Hiiraanweyn usheegen. Boqolaal qoys oo daganaa Deegaanka Coomaad iyo tuulooyinka hoos yimaado ayaa is kaga barakacay guryahooda Cabsi la Xariirta in mar kale lagu dul dagaalamo.

Taliyaha Guutada 5aad ee Gobolka Hiiraan Korneel Maxamuud Xasan Ibraahin {Baakay} ayaa Beeniyey in askar ka tirsan Ciidamada Dowlada Lagu dilay Dagaalkii shalay  ka dhacay deegaanka Gaal-fuul, hase yeeshe qof goob joogo ah oo ku sugan deegaanka qabno ayaa sheegay in Askar Dowlada ka tirsan oo dagaalkii shalay ku dhintay lagu aasi haayo manta deegaanka qabno.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Saraakiisha Howlgalka hogaamineeysay . Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeeyte Cismaan ayaa manta ku sugan Deegaanka Qabno oo hoos yimaado Degmada Matabaan lama oga ujeedkooda rasmiga ah ee Masuuliyentan.waloow ay sheegen in howlgalka ay sii wadayaan.