Laamaha amaanka Baledweyne & dowlada hoosev oo awaamiir cusub kasoo saaray xoolaha lagu qalo hareeraha wabiga Shabelle

0
125

Masuulinyiin ka tirsan mamaulka gobalka Hiiraan kan dagmada Baledweyne iyo taliska booliska degmada ayaa kormeeray kawaan cusub oo xoolaha lagu qalo isla markaana dhawaan laga hirgaliyay xaafada Kooshin ee Baledweyne kaas oo lagu magacaabo Hila Barde.

Ku xigeenka duqa degamada Baledweyne Cabdi Xuseen Cismaan Canjeex iyo taliyaha saldhiga booliskja Baledweyne laba xidigle Maxamed Maxamuud Qoorsheel oo madasha ka hadlay waxa ay u digeen dadka xoolaha ku qalo wabiga hareerihiisa iyo xaafadaha dhexdooda waxana ay shaaca ka qaadeen in qofkii lagu arko ka qaadi donana talaabo sharcihga waafaqsan.

Gudoomiye ku xigeenka gobalka ee arimaha bulshada Sheikh Xuseen Cismaan Cali oo madasha ka hadlay waxa uu sheegay in u jeedka kawaanka loo hirgaliyay ay ahyed sidii u qeyb kaga qaadan laha abilicda xaafada isla markaana aan la aqbali doonin in meel ka baxsan kawaanka Helabarde lagu qalo xoolaha.