WAR DEG DEG AH: Cristiano Ronaldo oo Juventus ka dalbaday in kooxda iska fasaxdo

0
157

Sida la xaqiijiyay Cristiano Ronaldo ayaa hubaal ah inuu go’aansaday inuu ka tago Juventus, wuxuuna ka codsaday kooxda inay si dhaqso ah u iibiyaan.

Juventus ayaa sugaysa dalabka rasmiga ah ee Manchester City ka imaanaya saacadaha soo socda si uu heshiis loo dhameestiro sida ugu dhaqsaha badan.

Cristiano Ronaldo kaliya wuxuu doonayaa inuu ka tago Juventus mana heli doonaan kulanka xiga.

Jorge Mendes wuxuu si toos ah ugula shaqaynayaa maamulka Man City si uu u dhammaystiro heshiiska shaqsiyeed ee ku saabsan qandaraaska Ronaldo.

Manchester City ayaa sidoo kale ka shaqeyneysa bixitaanka ayagoo ka gudbinaayo dalabka rasmiga ah ee saxiixa Cristiano Ronaldo, Juventus ayaa dooneysa lacag dhan € 28/30m. Raheem Sterling ayaa laga yaabaa inuu ka tago Man City haddii dalab sax ah uu yimaado.

Gabriel Jesus wuxuu sii joogi doonaa Man City sida uu Pep Guardiola doonayo asiga oo raba in kooxda ku sii hayo.

Sideed u aragtaa go’aanka Cristiano Ronaldo?