WAR DEG DEG AH: Ganacsade caawa lagu diley magaalada Beledweyne

0
568

Magaalada Baledweyne ayaa waxa goordhaw lagu dilay ganacsade lagu magacaabi jiray allah u naxariiste Cumar Yuusuf Cali Ducaale oo kamid ahaa ganacsatada magaalada, waxana uu dilku ka dhacay goob aan ka fogeeyn Buunda Liqliqato oo fariisin u ah Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Dilka ganacsadaha ayaa waxa geestay kooxo hubeysan oo markiiba goobta isaga basaday lamana oga waxa uu salka ku hayo dilka ganacsadaha loogu geestay Baledweyne, iyadoo dilka kadib ay goobta gaaren ciidamada booliska.

Dad goob joogayaal ah oo la hadlay Hiiraanweyn ayaa sheegay in dilka ganacsadaha ay geesten koox hubeysan dilka kadibna ay gaareen ciidamada dowlada oo halkaas ka bilaabay baaritaana la xariira kooxihii ka danbeyay dilka.

Waxii warar ah ee kasoo kordha dilka ganacsadaha waxa idiin kula soo gudbineynaa wararkena danbe insha allah.