(DAAWO SAWIRAD) Raisul Wasaare Rooble oo la kulmay taliyaha Ciidamada Lugta Uganda

0
237

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay taliyaha ciidammada lugta Uganda Gen.Muhorzi Kainerugaba oo booqasho ku yimid Muqdisho.

Kulanka dhax maray Raisul Wasaare Rooble iyo taliyaha ciidamada Lugta Uganda ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Amniga Soomaaliya, waxa ayna labada dhinac kawada hadleeb arimo muhiim ah oo dhinaca ciidamada quseeya.

Ra’isil Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyay taliyaha kaalinta muhiimka ah ee ciidammada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM & wada shaqeynta kala dhaxeysa ciidammada Soomaaliya

Safarka taliyaha ka socda dowlada Uganda ayaa kusoo aadaya xili Madaxweynaha Uganda dhawaan ku hanjabay in ciidankiisa kala baxayo Soomaaliya hadii aan lasoo afjarin khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble.