Generaal Bashiir Goobe oo magacaabay taliyaha NISA ee gobolka Banaadir.

0
187

Agaasimaha KMG ee NISA Sareeye Guud Bashiir Goobe ayaa Taliyaha Nabadsugida ee Gobolka Banaadir u magacaabay G/lle Muxidiin Mohamed Jimcaale (Warbac), waxaana la faray dhammaan agaasinada Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka inuu ka guto mid walba waajibaadka kaga aadan.

Sarkaal ayaa badalaya Yaasiin Faray oo horay u ahaa madaxa NISA ee gobolka Banaadir, ka hor inta aan Farmaajo sheegin in uu u magacaabay Agaasimaha guud ee NISA.

Sarkaal oo horay u soo noqday madaxa shaqaalaha ee NISA ayaa waxa ay qaraabo yihiin taliyihii NISA ee gobolka Banaadir Yaasiin Faray.