Musharixiinta Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi oo maanta hortagaya Ergada Dooraneysa

0
97

Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban Gobollada Waqooyi (Somaliland) ayaa shaaciyay in hadal jeedinta musharixiinta Aqalka Sare BFS maanta ay kahor hadal jeedinayaan Ergada loo xulay in ay doortaan.

Khudbad jeedinta musharixiinta oo shalay ku jadwaleysneed ayuu guddiga dib u dhacay sabab uusan faah-faahin balse wararka qaar ayaa sheegaya in dib u dhigista ay timid kaddib markii lasoo jeediyay in la helo musharax la tartama Cabdi Xaashi.

Sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed Khadar waxaa la isku raacay in kursiga koowaad ee Aqalka Sare ee Somaliland Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu kula tartamo Saciid Cumar Xuseen oo isla xalay la guddoonsiiyay shahaadada cadaynaysa musharaxnimadiisa.

Guuleed waxa uu sheegay in ay waayeen shaqsi isu diiwaangeliyo kursiga Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi si doorashada kursigaas ay u noqoto mid ugu yaraan lagu tartamo balse ay go’aan in Siciid Cumar Xuseen loo diiwaangeliyo.

“Aniga & Guddoomiye Cabdi Xaashi waxa aan soo gudbinay liiska Musharixiinta 11-ka kursi balse waxa aan weynay qof isu soo taago kan Guddoomiyaha, markii aan tixgelinay soo jeedinta dadka deegaanka & ergada si loo helo doorasho furan waxa aan diiwaangelinay Siciid Cumar Xuseen” Sidaasi waxaa yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka.

Hirgelinta Doorashada Gobollada Waqooyi ayaa heerar kala duwan soo martay, Cabdi Xaashi & Mahdi Guuleed ayaa ugu dambeyn heshiis ka gaaray 5-tii September 2021 khilaafkii ka dhax jiray, ugu dambeyn waxa ay isku raaceen in la qabto Doorashada kuraasta Aqalka Sare.