Wararkii u danbeeyay qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho.

0
222

Inta la xaqiijiyay 10 ruux ayaa ku dhimatay qarax xooggan oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo jugta qaraxa laga maqlay degmooyin badan oo ku yaalla caasimadda.

Goob joogayaal iyo Saraakiil ciidan ayaa sheegay inuu jiro khasaare xooggan oo ka dhashay qaraxa, iyagoo tirade dhimashada ay ku dhow dahay 10 ruux, haba u badnaadeen askar maqaaxidan yar fadhiday.

Sida wararku sheegayaan, qaraxa waxa uu si gaar ah uga dhacay maqaaxi ku taala nawaaxiga goob ay dowladda hoose ku qaado lacagaha canshuurta ee laga qaado gaadiidka soo gala ee caasimadda ee ka yimaada dhanka gobbolka Sh.hoose, goobtan waxey ku taala Xalane waxeyna ku dhowdahay dhismaha xerada Turkisom ee Turkida askarta Soomaalida ku tababaraan.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya nooca qaraxa, wararka qaar waxa ay sheegayaan inuu ahaa Miino, halka warar kale ay tilmaamayaan inuu ahaa qarax uu furiyay qof isa soo miidaamiyay, kaasoo dhex fariistay maqaaxida oo ay ku shaaxayeen Askar iyo shacab caadi ah.

Qaraxa kadib waxaa la maqlay rasaas xooggan oo ay rideen ciidamadii weerarkan ka badbaaday ee aagaasi ku sugnaa, taasoo keentay in goobta lagu kala ordo, halka la qarxiyay waxey ku dhowdahay meel bilo kahor lagu qarxiyay askar isu diyaarineysay iney tababaro u galaan saraakiil-nimada xoogga dalka.

Weerarkan waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo xaaladda siyaasadda ee dalka tahay mid kacsan, waxaana jira khilaaf u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisulul wasaaraha dalka, iyadoo ay labadaasi garab u kala jabeen mas’uuliyiintii ku shaqada lahaa amaanka caasimadda.