Warkii ugu danbeyay qarax ka dhacay magaaladda Marka ee gobolka Shabeellaha hoose.

0
115

Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku dhimatay qarax maanta oo Arbaco ah ka dhacay magaaladda Marka ee gobolka Shabeelle hoose sida uu Mustaqbal u sheegay sarkaal ka tirsan maamulka degmada oo diiday in magaciisa la xigto.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog fog, ayaa si gaar ah uga dhacay Garaashka Cawaale ee xaafada Wadajir ee magaalada Marka.

“Qaraxa ayaa ka dhacay garaaska Cawaale, waxaa ku dhintay laba ruux laga yaabee in dhimashada intaas ka badato” ayuu yiri salkaalka oo intaasi raaciyay “hada ciidanka amaanka ayaa ku howlan waxaana socda baaritaan”

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa kadib ay maqleen rasaas aad u fara badan oo ay fureen ciidamada dowladda oo ku sugnaa Saldhiga degmada Marka oo aad ugu dhawaa garaashka Cawaale ee uu qaraxa miino ka dhacay.

Qaraxa miino ee ka dhacay magaalada Marka ayaa lasoo warinayaa inuu geystay khasaare aanan si rasmi ah loo ogaan karin maadama daqiiqado kooban ka hor uu qaraxa dhacay, mana jirto faahfaahino dheeraad ah oo sheegaya qaraxa cida lala beegsanayay.

Sarkaal kale oo caafimaad ayaa sheegay in uu qaraxa ku dhintay nin magaaladda Marka  caan ka ahaa oo magaciisa lagu sheegay Saciid Jalbow, Balse lama oga inuu ahaa bartilmaameedka weerar.

Majiro illaa hadda cid sheegatay in ay ka dambeysay qaraxa hase yeeshee waxaa uu qaraxan dhacay iyadoo xaalada amni ee magaalada Marka uu dhowrkii bilood la soo dhaafay uu wanaagsanaa.