{DAAWO SAWIRADA} SOMA oo Tababar ugu so Gabagabeysay in kabadan 20 Suxufi Magaalada Muqdisho

0
175

Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku soo gaba gabeeyay Tababar socday mudo 3-Maalmood ah kaasi oo ay ka qeyb galeen 24-Suxufi oo ka socday Warbaahinada ku yaala Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka.

Tababarkan ayaana ku saabsan Habka Diyaarinta Barnaamij Wadaaga SOMA oo ah ah Barnaamij ay iska kaashadaan diyaarintiisa iyo baahintiisa Idaacadaha ku mideysan Ururka SOMA.

Qaar kamid ah suxufiyiintii ka faaideystay Tababarka ayaa u mahadcelinyay macalimiintii tababarka bixinaayay iyo Hogaanka Daladda warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ee tababarkaan so agaasimay.

Xoghayaha Guud ee Daladda Warbaahinta Soomaliyeed ee SOMA ayaa ka warbixiyay Mudada uu socday Tababarka iyo u jeedka loo qabtay tababarkan waxaana uu sheegay sababta loo tababaray in ay tahay qor u qaadidad iyo tayeenta barnaamijka wadaaga oo ay siwada jir ah u soo saaraan dhamaan Idaacadaha ku mideeysan SOMA.

Makaraan ayaa u mahadceliyay Hayadaha IMS iyo FOJO oo intabadan Taageero u fidiyo Daladadda ay ku mideeysan yihiin SOMA.