{DAAWOSAWIRADA} Ciidamada Booliska Gobolka Mudug oo lagu wareejiyay Qalab Isgaarsiineed.

0
130

Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo ku wareejiyey Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug Muumin Cabdi Shire agab fududaynaya isgaarsiinta iyo xiriirka tooska ah ee Saldhigyada iyo Laamaha Amniga Magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka.

Agabkan ayaa waxaa ku deeqay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ka sojeedo Gobolka Mudug ee Dalka Kenya gaar ahaan Magaalada Nairobi sida uu sheegay Guddoomiye Sanyare.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa u Mahadceliyay jaaliyada Dalka keenya iyo Dhamaan jaaliyadaha Gobolka ka soo jeeda sida ay qaybta uga qaadanayaan Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudug.(DAAWOSAWIRADA) Ciidamada Booliska Gobolka Mudug oo lagu wareejiyay Qalab Isgaarsiineed.