Farmaajo iyo Rooble oo ka shiray xal u helida khilaafkooda ayaa kulan kale u balamay.

0
141

Madaxweynaha mudo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaaday February 2021, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo mudooyinkii dambe uu u dhexeeyay khilaaf xooggan ayaa xallay yeeshay kulan uu garwadeen ka ahaa madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee labada mas’uul dhex-mara tan iyo markii ay bishii September ay fashilmeen wada-hadalladii laba dhinac kadib khilaafkii ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax iyo tallaabooyinkii xigay ee ay ka mid ahaayeen xil ka-qaadistii Fahad Yaasiin iyo magacaabiistii labada taliye ee ay NISA u kala magacaabeen.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegay in kulanku uu ahaa mid hordhac oo sallaan iyo sheekeysi, laguna balamay in habeen dambe kulan kale la isugu yimaado, si loo dhammeystiro waxyaabaha haray ee labada dhinac u dhaxeeyay.

Warbixinada ayaa intaasi ku daray in inta badan kulanku ahaa mid la isku laab furay, kana muuqatay is faham iyo isu soo dhowaansho, ayna rajo ka qabaan in caawa inta dhiman is afgarad buuxa laga gaaro.

Heshiis kasta oo ay gaaraan labada mas’uul ayaa ku xirnaan doono in midkood uu ka tanaasulo mowqifkiisa, taasi oo horey loogu guul-darreystay.

Inkasta oo aan si dhab ah loo ogeyn xudunta khilaafka labada dhinac haddana wararka qaar ayaa sheegaya in waxyaabaha la isku hayo oo waliba ay adkaatay in xal laga gaaro ay yihiin laba qodob oo kale ah arrinta kiiska Ikraan Tahliil Faarax iyo arrinta taliyaasha nabad sugidda ee ay kala magacaabeen madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaarihiisa Rooble.

Iyadoo arrimahaan aan kor ku soo xusanay ay u muuqdaan kuwa isa saaran isla markaana saldhig u ahaa khilaafka ayaa dadka falanqeeya arrimaha Soomaaliya waxaa ay sheegayaan in arrimahaan aysan noqon karin caqabad ay labada mas’uul ee dalka ugu sarreeya ay isku fahmi waayaan.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, wakiiladda beesha Caalamka ee Muqdisho, Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa ku booriyay Farmaajo iyo Rooble in ay dhameeyaan khilaafkooda dalka ay ka hirgaliyaan doorasho aan dib u dhac dambe lahayn.