Guddiga Doorashooyinka FEIT & Taliska Booliiska Bari oo ka shiray Amniga Boosaaso.

0
89

Magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari waxaa ka dhacay shir looga hadlay Xaaladda Amni ee Magaaladaas oo lagu qabanayo Doorashada qaar kamid ah Kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Kulanka waxa uu u dhaxeeyay xubno ka socda Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Federaal (FEIT) & heer Dowlad Goboleed (SEIT) Puntland, Taliska Booliiska Gobolka Bari, Maamulka Gobolka & Kan Degmada.

Hay’adaha ammaanka Puntland qaybta Gobolka Bari ayaa soo gudbiyay qorshaha ay u dejiyeen ilaalinta nabadgalyada Goobaha lagu dooranayo Xildhibaannada Golaha Shacabk Baarlamaanka Federaalka ee dhawaan la filayo in ay bilaabato.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud waxa uu Guddiyada Federalka & Dowlad-Goboleedka Puntland u bandhigay diyaargarowga ay sameeyeen iyo sida ay uga soo baxeen mas’uuliyadda amniga ka saaran.