Kiiska Badda:-Maxaa socda ka dib go’aankii ICJ?

0
135

Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in xukunka ay maxkamadda caddaaladda adduunka ka soo saartay murankii xadka badda ee dalkeena iyo Kenya u dhaxeeyey uu yahay mid caddaalad ah oo Soomaaliya lagu wareejiyo inta badan badweynta Hindiya, halkaas laga yaabo in saliid iyo gaas ay ka buuxaan.

Ra’iisal Wasaare xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed oo hogaaminayey wefti goob joog u ahaa ku dhawaaqistii xukunka Maxakamadda ayaa sheegay in Soomaaliya ku guulaysatay boqolkiiba boqol dacwaddaas, isla markaana ay si buuxda ugu qanacsantahay go’aankaa ka soo baxay Maxkamadda.

Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo xalay ka hadlay xaflad loogu dabaal degaya go’aanka wuxuu ku tilmaamay guul taariikhi ah oo Soomaaliya ka gaaray dawacadii mudada socotay.

May be an image of 1 person and standing

Golaha midowga musharixiinta, gudoomiyihii hore ee Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdi, Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari gudoomiyihii hore ee golaha shacabka ayaa bogaadiyay go’aanka iyaga oo mahadceliyay cid walba oo kaalin ka qaadatay soo celinta Bada Soomaaliya ee Kenya sheegatay.

Kenya maxay ka tiri go’aanka maxkamadda?

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa si kulul u cambaareeyay go’aankii maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midoobay ee Talaadadii ee ahaa in Soomaaliya lagu wareejiyo inta badan badweynta Hindiya, kadib khilaaf xooggan oo u dhexeeyay labada dal.

Kenyatta ayaa sheegay in dowladiisu “ay diideyso gebi ahaanba, aysanna aqoonsandoonin natiijada ka soo baxday go’aankan” oo ay soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda oo fadhigeedu yahay The Hague, taas oo Nairobi siisay qayb yar oo ka mid ah badda lagu muransan yahay ee xeebta Bariga Afrika.

Iyada oo Kenya ay diidan tahay in ay aqoonsato awoodda maxkamadda oo ay ugu yeertay “eex”, ayaa la wada eegaya waxa ku xiga diidmada Nairobi.

Khudbad laga sii daayay telefishinka kadib xukunkii maxkamadda ayaa madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ku boorriyay Nairobi in ay “u aragto go’aanka maxkamadda fursad ay ku xoojin karo xiriirka labada dal”.

Laakiin Kenyatta ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xukunkaasi uu yahay “mid hal dhinac faa’iido u ah, kaas oo xumayn doona xiriirka labada dal”.

May be an image of 1 person and standing

“Waxay sidoo kale beddeli doonta guulaha bulshada, siyaasadda iyo dhaqaalaha; waxaana laga yaabaa inay uga sii darto xaaladda nabadda iyo amniga ee gobolka Geeska Afrika ee nugul,” ayuu raaciyay, isagoo ku celceliyey in ay Nairobi taageereyso in wadahadal lagu dhammeeyo.

Soomaaliya ayaa dacwadda ku soo oogtay Kenya sannadkii 2014-tii, kadib markii ay fashilmeen dadaallo socday sanado badan, kuwaas oo lagu doonayay in lagu xalliyo muran ka dhashay dhul-badeed dhan 100,000-kiiloomitir oo laba jibaaran (38,000 square-mile).

Garsoorayaasha ayaa si wadajir ah u go’aamiyay in uusan jirin “xuduud badeed la isku raacsan yahay”, waxayna sameeyeen xuduud cusub oo u dhow tan ay sheegatay Soomaaliya.

Go’aanadii ay horay u gaartay maxkamadu

Mxkamaddan oo hoos tagta Qaramada Midoobay waxay awood weyn u leedahay inay qaaddo, go’aannana kasoo saarto kiisaska la xiriira muranka u dhaxeeya dalalka.

ICJ doorkeedu waa in haddii dacwad loo gudbiyo ay xal ka gaarto waxyaabaha ay isku mari waayaan dalalka iyadoo la tiigsaneysa sharciga caalamiga ah.

Waxay maxkamaddu dhisneyd tan iyo sanadkii 1945-kii, waxaana mararka qaar lagu magacaabaa “Maxkamadda Adduunka”. Waxaa la shaqeeya hay’ado ka tirsan Qaramada Midoobay oo ay isla dhiraandhiriyaan kiisaska ay gacanta ku heyso mar walba.

Kiiskii ugu horreeyay ee gacanta maxkamadda ICJ soo gala waxa uu ku saabsanaa muran u dhaxeeyay UK iyo Albania, kaasoo dacwaddiisa loo gudbiyay 22-kii bishii May ee sanadkii 1947-kii.

Intii u dhaxeysay 22-kii May, 1947-kii ilaa 5-tii March 2021, waxay maxkamaddu qabatay 179 kiis oo soo galay liiskeeda guud.

Kiis la mid ah midka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ee ku saabsan xadka badda waxa ay maxkamaddu kula tacaashay waddamada Costa Rica iyo Nicaragua oo is heystay. Kiiskaas ayaa sidoo kale in muddo ah jiitamaya.

Soomaaliya ayaa si buuxda isugu diyaarisay ku dhawaaqista go'aanka, halka Kenya ay sheegtay in aysan qayb ka ahayn

Waddanka Nicaragua oo ku yaalla Qaaradda Koonfurta America ayaa waddamo dhowr ah oo daris la ah kula murmay xadka badda, waxaana dacwadahaas oo dhan la wareegtay maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda.

Kiisaska kale ee ku saabsan muranka xadka badda, oo qaarkood uu wehliyo khilaaf dhinaca xadka dhulka ah, waxaa ka mid ah:

Nicaragua v. Colombia

Nicaragua v. Honduras

Peru v. Chile

Romania v. Ukraine

Cameroon v. Nigeria [Equatorial Gueinea oo soo farogelisay]

Qadar v. Baxreyn

Denmark v. Norway

El Salvador iyo Honduras oo isku dhinac ah iyo Nicaragua oo faragalisay

Haddaba dad badan ayaa is weydiinaya sida ay haddii Kiiskan loo xukumo Soomaaliya ay uga ilaashan karto Kenya oo Sharikado shidaal baaris qandaraas ku siisay aagga ay sheegatay.