Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo qaabilay wafdi ka socda Mashruuca Horumarinta Degmooyinka JPLG

0
169

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo madaxa mashruuca horumarinta degmooyinka ee (JPLG) ee Soomaaliya Paul Simkin

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa mashruuca horumarinta degmooyinka ee Puntland ka socda , sidii la iskaga kaashan lahaa Maamul baahinta guud ee degmooyinka iyo doorashooyinka Dowladaha Hoose ee Puntland