Mid kamid ah kuraasta Aqalka Sare oo goordhow lagu doortay Kismaayo.

0
164

Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa ka socota doorashada Afarta kursi ee Maamulka Jubbaland uga harsan Aqalka Sare, waxaana Goordhow la doortay kursigii ugu horreeyay Afarta Kursi.

Xasan Daahir yarow ayaa loo doortay kamid noqoshara Mudaneyaasha Aqalka Sare ee dalka, 59 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlammaanka Jubbaland ayaa u codaysay.

Xasan Daahir Yarow  ayaa waxaa uu ka guulaysatay Cabdi Xuseen Cali oo la tartamayay, waxaana goordhow bilaabaneysa doorashada kursiga labaad.