Midowga Afrika oo hakiyey xubinimadda waddanka Suudaan

0
70

Ururka Midowga Afrika ayaa Arbacada maanta ah wuxuu ku dhawaaqay in uu hakiyey xubinimadda Suudaan kaddib afgambigii todobaadkan ka dhacay waddankaas.

Guddiga Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa maanta bartiisa Twitter-ka ku soo qortay warka ku saabsan joojinta.

Talaabadan waxay ahayd mid si weyn isha loogu hayey.

Sida ku xusan war-murtiyeed kasoo baxay guddiga, hakinta ayaa soconeysa “illaa si wax ku oolka ah dib loogu soo celinayo awooda dowlad rayid ku meelgaar ah oo doorasho qabata”.

Talaabadan ayaa imaaneysa iyadoo Bangiga Adduunka uu ku raacay Mareykanka joojinta gargaarka Suudaan ka dib markii si
weyn loo cambaareeyay la wareegitaanka militariga.

Dhanka kale, shaqaalaha shidaalka iyo dhakhaatiirta ayaa ku biiraya ololaha shacabka ee ku baaqaya in milatariga uu dib ugu laabto saldhigyadda xukunkana rayidka ku wareejiyo.

Si kastaba ha ahaatee, wararka maanta soo baxaya ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Abdela Hamdok iyo xaaskiisa ay hoygooda dib ugu laabteen ayaga oo si weyn loo ilaalinayo.

Talaabadan ayaa imaaneysa iyadoo Bangiga Adduunka uu ku raacay Mareykanka joojinta gargaarka Suudaan.

Promoted Links by Project Agora Tafaasiisha ayaa muujineysa khilaaf u dhaxeeyay waaxda milatariga iyo mas’uuliyiinta madaniga ah ee wada hogaaminaya
dowladda KMG ah ee Suudaan uu horseeday afgambiga ciidan.