SAWIRRO:.Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Oo Kormaaray Goobo ay ka socdaan Dadaalo Fatahaada wax looga qabanayo.

0
295
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan iyo Mas’uliyiinta Guddiga Fatahaadaha beledweyne ayaa maanta si wadda jir ah kormeero iyo Qimeen waxaa ay ku Tageen Goobo kala Duuwan oo ay ka socdan dadaalo wax looga qabanayo fatahaada Baladweyne kusoo noq noqotay sanadahii ugu danbeeyey iyo Goobo kale oo Horay looga Sameyay Dadaal Biyo Xireen.
Gudoomiyha Gobalka hiiraan Cali Jeyte Osmaan Ayaa ku bo’gaadiyay Companiyadda kala Duwan iyo Enjineerada sameeyey Howsha wanaagsan Asigoo”ne ku booriyey in la dhameys tiro Howlaha dhiman si bulshada Baladweyne aay u dareemaan Nafis Dhanka fataahadaha ah.
Gudoomiye Cali jeeyte ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka qeeyb qaadan doonan wax walba oo looga baahdo xaga wax ka qabashada fatahaada wabiga shabeelle.
Gudoomiyaha Gudiga fatahaada Baladweyne Xaaji Cismaan dhagaxoow ayaa sheegay in dadka reer Baladweyne ay sameeysteen isku tashi la xariira wax ka qabashada saameeyta fatahaada Baladweyne. waxaana uu bogaadiyey dadaalada xiligan socda.
Dadka Beledweyne oo Sanaad Kasta ka barakici jiiray biyaha wabiga ayaa hadda mooda in ay Meesha ka baxday Taas Kaddib marki Dadaal Xoogan loo Gallay Siddi Bulshada magaalada looga Weecin lahaa Qataraha biyaha iyo Fatahaadaha