Xubno ka socdo Madaxtooyada Soomaaliya oo Kulamo qarsoodi ah ka wado Magaalada Baladweyne

0
286

Waxaa maagaalada Baladweyne kulamo hoose ka wado Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali iyo Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Cabdi nuur maxamed Axmed.

kulamada ay kawadaan Magaalada Baladweyne xubnaha ka socdo Madaxtooyada Soomaaliya ayaan la ogeeyn ujeedada rasmiga ah ee ka danbeeyso safarkooda qarsoodida ah oo ay ku yimideen Baladweyne.

Xubnahaan oo Maanta gilinka hore gaaray Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ay kulamo gaar gaar ah la qaateen Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan iyo Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabelle yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) Sida ay hiiraanweyn u saraakiil ka tirsan Madaxtooyada looga arimiyo Gobolka Hiiraan.

Warar kala duwan ayaa ka so baxaayo ujeedada safarka qorsoodida ah ay ku yimideen Magaalada Baladweyne. Wararka ay heshay Hiiraanweyn ayaa sheegaayo in ay u yimideen munaasabada furitaanka qeybta cusub ee loo dhisay garoonka diyaaradaha ugaas khaliif halka dhinaca kale wararka ay heshayHiiraanweyn ay sheegayaan in gawaarida aan xabada karin ay doonayaan in ay keenaan Baladweyne si uu isticmaalo fahad yaasiin inta ay socto Doorashada madaama kursiga uu fahad ku tartamaa ay doorashadiisa ka dhaceyso Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

La soco wararka Danbe