{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiyaha G.Hiiraan iyo Saraakiisha AMISOM Oo Amaanka Baladweyne ka Shiray.

0
119
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan ayaa kulan looga hadlayay dardar-galinta arrimaha amniga doorashooyinka waxa uu maanta mgaalada Beledweyne kula qaatay Saraakiisha Ciidamada Amisom iyo kuwa Soomaaliya ee ka Howl gala Gobolkan Hiiraan.
Saaraakiisha Ciidamada AMISOM iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeeyte Cismaan ayaa kulankooda ugu hadlay qaabka loo sugi karo Amaanka Goobaha doorashooyinka ay ka dhacayaan ee Magaalada Baladweyne.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan ayaa sheegay in Amaanka Magaalada Baladweyne uu yahay mid leeysku haleeyn karo lakiin Ciidamada AMISOM ay ka doonayaan sare u qaadida Amaanka inta doorashooyinka ay socdaan.