Feysal Cali Waraabe” Waan joojineynaa wada-hadallada Dowladda Somalila & Somaliland”

0
95

Ing, Feysal Cali Waraabe oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ee  Somaliland ayaa sheegay in gebi ahaanba la joojin doono wada-hadalladii dowladda federaalka ah ee Soomaaliya & Somaliland oo dhowr jeer qabsoomay

Feysal oo la hadlay BBC-DA waxaa uu sheegay in wada-hadallada ay dhibaato uga timid Somaliland, isla markaana dad badan ay u fasireen in ay midoobayaan Dowladda Soomaaliya & Somaliland.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dowladihii qorsheynayay inay aqoonsadaan Somaliland iyo kuwii mashaariicda ka fulinayay ay joojiyeen, wuxuuna sicad u sheegay in qorshaha joojitaanka wada-hadallada Dowladda Soomaaliya & Somaliland loo gudbin doono Golaha Wakiilada Somaliland

Wada-hadalladii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland ayaa hakad kujiray Shantii sano ee la soo dhaafay marka laga reebo hal jeer oo Jabuuti ay ka dhaceen balse aan wax natiijo ah kasoo bixin.