Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

0
144

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Dugsiga Sare ee Banaadir oo kuyaalla inta u dhaxeysa Isgoyska Tarabuunka iyo Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim.

Qaraxa oo wararka qaar ay sheegayaan in uu ahaa Gaaei wadada dhinaceeda la dhigay ayaa waxaa ka dhashay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Xilliga  uu qaraxa dhacayay ayaa goobta waxaa ay aheyd mid mashquul badan, waxaana taagnaa Gaadiid Basas ah oo ay saarnaayeen Arday farabadan oo u socday Iskuulo Goobta ku yaalla.