Barcelona oo ku dhawaaqday inay dhameystirtay heshiiska Ferran Torres

213

Barcelona ayaa ku faraxsan inay xaqiijiso dhameystirka saxiixa Ferran Torres oo kaga soo biiray kooxda Manchester City.

Barcelona ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah ula soo wareegtay xiddiga reer Spain iyo kooxda Manchester City ee Ferran Torres.

Bayaanka rasmiga ah oo ay Barcelona ku daabacday website-keeda ayaa lagu yiri:

“Kooxda waxay heshiis la gaartay Manchester City, si ay ula soo saxiixato weeraryahan Ferran Torres muddo shan sano ah ilaa xagaaga 2027.”

“Qiimaha lagu burburin karo qandaraaska Ferran Torres ee Barcelona waa hal billion euros”.

Barcelona ayaa sheegtay in Ferran Torres loo soo bandhigi doono jamaahiirta iyo saxaafada 3-da bisha January markaasoo uu kasoo muuqan doono shir jaraa’id kaddib marka uu tababarka la sameeyo kooxda.