Ciidanka Itoobiya oo Magaaloyin cusub qabsaday & TPLF oo War yaab leh soo saartay

0
168

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda oo uu hoggaaminayao Ra’isal wasaare Abiy Axmed inay dagaalka guulo kale ka soo hoyeen dagaalka ay kula jiraan jabhada TPLF.

Guulahaasi ayay ku sheegeen inay ku qabsadeen magaalooyinka Ajbaar, Tinta iyo Doba oo ka tirsan degaanada gobolka axmaarada ee ay TPLF qabsatay.

Dowladda ayaa sheegtay in maamulkii ka arriminayay goobihii TPLF laga qabsaday ay shaqooyinkooda dib uga billaabeen

Dhanka kale warbaahinta afka fallaagada TPLF ku hadasha waxay sheegeen dagaalka ay kula jiraan dowladda Itoobiya inay sii wadayaan tan iyo inta ay xukunka ka tuurayaan ra’iisul wasaare Abiy Axmed

TPLF waxa kale oo ay sheegtay waxa ay u dagaallamayan inay ahayn oo keliya xuquuqda qowmiyadda Tigreega balse ay u dagallamayan xorriyadda qowmiyadaha Itoobiya oo dhan iyaga oo carrabka ku dhuftay qowmiyadaha Soomaalida, Oromada, Cafarta, Sidaamada, iyo waxa lamid ah.