{DAAWO SAWIRADA} Kalkaaliye kufsaday haweeney ku jirtay xaalad miyir beel ah oo la xukumay

0
373

Kalkaaliye ka shaqeyn jiray isbitaal ku yaalla gobolka Arizona ee dalka Maraykanka ayaa waxaa lagu xukumay 10 sannadood oo xabsi ah ka dib markii lagu helay dambi ah inuu kufsi u geystay haweeneey naafo ah oo lagula tacaalayay isbitaalka uu ka shaqeynayay.

Nathan Sutherland ayaa lagu eedeeyay inuu kufsaday haweeneyda oo miyir daboolnayd taasoo ku sugnayd xarunta Hacienda Health Care ee Phoenix.

Waxaa la xiray 2018 ka dib markii Hidda Sidahiisa uu la mid noqday muunad laga qaaday ilmaha dhashay.

Sutherland waxa uu bishii Sebtembar qirtay dambiga ah in uu ku xad-gudbay qof weyn oo weliba nugul.

Dhibanaha oo la sheegay in ay daryeelka xaruntaasi ku jirtay tan iyo markii ay yareyd ayaa kufsigaas ka qaaday uur ku dhashay ilmo yar.

Marka laga soo tago xukunkiisa xabsiga, Sutherland waa lala socon doonaa inta noloshiisa ka dhiman waxaana laga rabaa in uu isu diiwaan geliyo dambiile galmo kadib marka la sii daayo.